| |
Qabashada ugaaska ama habka loo doorto ugaaska Ciisaha
Ugaaska Ciisuhu waa inuu noqdo wardiiqwakhtishiile, Reer Xasan, Cabdale ama guntiwayne. Waa inuu noqdaa ciise, Ciisedhalaye 3 abtirsiimo.
Ugaaska hooyadii waa inay noqotaa bilcan, kolna ma noqoni karto dumaal amaxigsiin
Qolada Ugaaska hooyadii si cad umma qeexna, hasa ahaatee waa celeeye
ü Ugaas Wacays Cumar hooyadii waxay ahayd Reer Guulane
ü Ugaas Roble Faarax waxay ahayd Mamaasan
Ugaas waxaa noqda nin quruxsan oo iskubuuxa oodhalin yar. Waa qof daggan, hadaladiisuna miisaaman yihiin, soona jeeda. Waainuu noqdaa deeqsi, qof dulqaad badan oo samir leh. Waa inuu noqdaa qof aan iinlahayn waxaa la sheegaa in ay daruuri kortimaado qofka noqon doona ugaas ama uuyeesho calaamado dadka gaar ka ah.
Nin madi ahi ugaas ma noqdo.
Ugaasku waa astaanta udub dhexaadka u ah iskuxidhka ciisaha iyo xeerka
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha dhaxal carurtisuna kama dhaxlaan jagada ugaasnimada
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha mid ay koox yari ama qolo cayimi karto waa mid adagoo waddo dheer loo maro. Arintaas ayuu ciisuhu kaga duwanyahay qabiilada kaleee Soomalida.
Ugaaska waxaa qabta guddi ka kooban 144 oday kuwaasoo kala ah Gande oo ka kooban 44 nin iyo boqolka oday.
Boqolka oday waxaa ku jira:
1) Guhaan: waa rag yaqaana cilmiga xidhigaha ,faalka, faraha- dadkaasi waa kuwa aqoontooda la hubo, waxna looga soo joogay
2) Geed joog : waa rag laga yaqaano dhammangalinada uu Ciisuhu dagan yahay sida Orax joog(waa geerisa), Ilkacase(saylacilaa duudda, iyo Dameerjoog), jaan ma garato (ugul), Casajoog, Binin joog, Jidigale,……
Guddidaas ka kooban 144 oday ayaa dagi goob kadheer meel uu soo gaadhikaro cadawga Ciisuhu – Markii la qabanaayay ugaas XasanXirsi guddida 144 oday waxay dagtay Waaruf.
Guddidu ayagoo ducaysanaya ayay hawsha baadhitaanka ninkii noqoni lahaa ugaaska beesha ay u hawlgalyaan sifoojigan oo habsamiyaoo cidna la dareensiinayn xulashada la wado.Guddidu waxay iska dhex dooran 10oday oo reeraha ugaaska laga qabanayo yaqaan.
10 kaas oday waxay soo baadhayaan ninkii ugaaskanoqon lahaa. Waxay soo xulayaan 7 nin oo ay si tafatiran uga soo sheekaynayaantaariikhda isirkooda iyo dabeecadahooga isla markaana waxay tilmaamo badan kabixinayaan habdhaqankooda. ka dib daraasadaas balaadadhan ee ku saabsan 7da ninee la soo xulay, waxaa loo bandhigi 144 oday oo go’aan ka gaadhi doono markayxidigaha, faal iyo fareba ay u eegaan .Waxayna tartansiinayaan kama dambaynlabada nin ee isku soo hadha ee loo maleeyo in ay noqon karaan ugaas.
Marka la xusho ninkii noqoni lahaa ugaas, waxayodoyadu duldagidoonaan Reer ka laga xushay Ugaaska, habeen dayaxu yahay 15naad, waaberiga ayaa la qaban ugaaska ayadoo Reerkii uu ka tirsanaa aynan waxbaarintaas ka ogayn oo ayna hurdaan, nin Sacad Muse oo Reer Guulane ah ayaaqabashada ku horayn isagoo leh “Lagu Reeyaw ugaas Rooble, Rayadaadaa dadkadeeqdee” Markaasay odoyada kalina Ereyedaas ka daba odhanayaan iyadoo nin walbagarabka taabanayo.Waxaa laga daadin dharkiisii duuga ahaa, waxaana loo xidhimaro xarrir ah.
Waxaana u xidhi nin Wardiiq ah oo Yeesif Reer GeediCali ah
Waanna reerka cimaamadda Ugaaska u xidha, kanatuurra
Waa la fadhiisiin Ugaaska oo waxaa lagu fadhiisinmacaws, waana loo ducayn oo qandhuuftaa loogu tufi.Macawstana waxaa keena XasanGadiidshe, Reer Aadan
Dabadeed Ugaaska waa la wareejin. Habeenka u horeeyawaxaa la gayn Guri Reer Xasan Gadiidshe ah, waxaana la siin Caano ama Cadiin.Habeenka 2aad waxaa soo dhawayn reer Wardiiq ah oo Yeesif ah. Habeenka 3aadwaxaa soo dhawayn reer Odoxgob ah. Marka odoyadu ay soo dhamaystiraanwareejintaas, Ugaaska waxaa lagu soo celin reerkisii oo si cad loogu sheegiinay Ugaaska baylahda ka dhabaan oo sii fiican u hayaan muddada lagamaqnaandoono. Ugaaska wuu naga dhexeeyaa waana ammaano aan nii dhiibnay.
Marka la qabto ugaaska ee la wareejiyo laguna duceeyo ayaa reerkii uu kadhashay lagu soo celin, loona sheegi in ay ka ilaaliyaan baylahda muddada lagamaqan yahay oo karaamadiisa la tijaabinayo. Muddadaasi waa mid la tijaabinayosaamaynta ugaasku ku leeyahay roobka ama barwaaqada, colaadda iyo abaarahawaxaana lagu amri inuuna timaha iska jarin ka hor socdaalka caleema saarkaboqrida ee lagu tagidoono Saylac. Saylac baa timaha lagaga jari iyadoo loogumaydhi doono biyo xareed ah. Boqrida ugaaska ciisaha maaha arrin sahlan. Waamid loo maro jid dheer oo nidaamyo iyo qorshe u gaar ah leh.
Reerkii uu ugaasku ka dhashay ayaa la waydiisan ammaanadii loo dhiibtay ugaaskawaa la lugaysiin oo waxaa la marin dhammaan galinada Ciisaha, arrintaas oolooga dan leeyahay in uu ugaasku barto dhamman deegaanka beesha Ciisuhu dagoiyo in uu ku duceeyo socdaalkaas barakaysan. Socdaalkani waa mid calaamado iyoastaamo gaar ah leh. Ugaasku wuxuu booqan goobaha taariikheed ee Ciisaha gaarkau’ ah, qabuuraha odoyadii laga tafiirmay Maqaamyada muhiimka ah iyo 12 ka Dixoodama Geed ee xeerka Ciisaha ku qeexan. Dix walba ama galin walba uu ugaaskubooqdo waa lagu soo dhawayn, waa loo ciyaari waxaana la ururin sabeentiiugaasku xeerka u lahaa.
Marka socdaalka barashada deegaanka Ciisaha ay gabagaboowdo waxaa la galisocdaalkii boqridda ugaaska ee lagu tagayay Saylac. Goobaha la siimarayo ama lamari jiray waxaa ka mid ah Habaqo, Geel Case ama Siti, Biyo Qaboobe,Biya Baxay, Meeta, ugaas lagu baqor, Xasan Gaddiidshe, Ashkir Xagaa, Selel,BiyoCaanood,Toqoshi iyo Saylac. waxaa hubaal ah in 12 kii dixood ay ku soobiireen kuwa kale oo la nabadeeyay ama ka dheer meel uu cadaw ka soo weerarikaro Ciisaha. Waxayna tahay ama qasab ah in ugaaska la qaban dooni uu socdaalku soo maro dhamman deegan ka Ciisaha. Dixaha ku soo biiray ciisaha waxaa kamid ah Lalibala, Caydoora, Casbuli, Dhagaray,Gablalu, Dahawi, Cundhufo,Cadaytu, Karaaba, Cali Jiir, Afcase, Butuji,Geed Ugaas iyo Jabuuti.Boqrida ugaasku waxay ka dhici doontaa Saylac oo caado u ah. Marka ugaaska lakeeno Saylac, waxaa lagu soo dhawayn ciyaarihi dhaqanka oo halkaas waxaa lagamuujiin farxad gaar ah. habeenkaas ayaa ugaaska la bariin Saylac. Maalintalabaad ciyaarihii way sii soconidoonaan hasa ahaatee salaadda duhur dabadeed,ugaaska waxaa laga xiiri timaha oo waxaa ka xiiri siday caadadu ahayd nin SacadMuuse ah oo reer Makaahiil ka sii ah.
Dabadeed waxaa ugaaska la gayn Maqaamka Ibrahim Saylici halkaas oo xafladdabogriddu ka dhicidoonto. Waxaa halkaas ka dhici duco wayn. Maro 9 waar ah ayaa
ugaaska lagu duubi ayadoo laga dhowrayo inay taabato dhulka isla markaana ayducadu hareer socoto.
Marka ducadaas dheeri dhamaato waxaa ugaaska la gayn xeebta. Wuxuu ku maydhanbiyaha badda. Ugaaska waxaa loo xidhi dhar cusub waxaana loo dhiibi cimaamad.Waxaa cimaamada uu dhiibi nin Wardhiiq Reer Yeesif reer Geedi Cali ah. Ugaaskucimaamadda ayuu xidhan wuxuuna noqon ugaaskii 19 aad ee taarikhda ugaasyadaBeesha Ciise.
Soo laabadka ugaaska
Safarka soo laabadka ugaaska waxaa loogu horaysiin in lagu marti galiyo reerSacad Muuse, reer Guulane, reer Axamed ah. Waxaana loo lisi hasha “GODO” reerkalabaadi wuxuu noqon reer Dhabac reer Saciid ah – waxaana loo lisi saca “LEEFA”.reerka saddexaad waxaa la sheegaa Walaaldoon reer Kote iyo Wardiiq reer Yeesif,reer Sarardoon ah. Waxayna u lisayaan laxda “ DHARO’’. Socdaalka soo noqoshadaugaaska iyo goobaha la soo marin doono waa mid odoyada galbinaya ugaaska aygo’aan ka gaadhi doonaan sidoo kale meesha ama goobta xarruunta looga dhigiugaaska waa arrin odoyada u taal in kastoo ay noqoni doonto meel badhtame ah.
Marka Saylac laga soo baxo waxaa la soo mari Ceel Gaal ,Selel halkaasaa lagabilaabi ururinta sabeenta “Badhicade” iyo ciyaaro dhaqameed aan kala joogsi lahayn. Xoolaha ugaaska loo uririyo waxaa loo dhiibaa reerka Fuurlabe. Waxaa lagasoo noqon jiray Selel,Biyo Qaboobe, Biyo Canood, Biya Baxay… Xoolaha la ururiyoqaar waa lagu
sadqayn, inta hadhayna ugaaska ayaa lagu dajin oo reer looga dhisi.
Guurka ugaaska
Ugaaska waxaa loo dhisi socdaalka soo laabadka. Waxaana looga dhisi Yonis Muse,oo reer Geedi ah. Waxaa loo dhisi gabadh bilcan ah, xil-kas ah oo bilicley ah.
Wax barashada ugaaska
Waxaa la bari:
- Xeerka Ciisaha
- Taariikhada Ciisaha
- Xidhiidka Ciisaha iyo dariskiisa
- Dhaqanka iyo Abtirsiimada Ciisaha
- Deegaanka Ciisaha iyo Maqaamyada Barakaysan
Xil ka qaadis Ugaas
- Xil ka gaadista Ugaas ku waxay dhacdaa marka khayrkii laga filaayay ugaaskalaga waayo.
- Haddi deeganka ciisuhu yaalo soo food sarto abaaro isdabajoog ah,roobab xaddhaaf ah iyo cuduro lagu wiiqmo.
- Sidoo kale marka nabada ugaasku wax ka qaban waayo ee khilafaad ku bato middoceed iyo ku dibadeed ayaa layswaydiiya xil ka qaadista ugaas.
- Guddi odoyaal oo ka kooban dixaha ciisuhu ku noolyahay ayaa gorfaysa arintaxilkaqaadista ugaas.
- Haddi laysku afgarto, waxaa lagu amri nin wardiq reen yesif, reer Geedi Caliah in uu ka tuurro cimamada. Nidaam kaas ayaa Ugaas lagu Casila ama Xilakalooga qaadaa.
source :Siiti.net

No comments:
Post a Comment